Sign in to follow this  
Deeq A.

Daraasad: Sida Al-Shabaab u beddeshay xeeladeeda dagaal iyo waxa ku qasbay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dulmar Guud

Rubuc sanadeedkii u dambeeyay 2018 waxaa sii kordhayay dilalka toogashada ah iyo kuwa bombada dhajiska ah ee Kooxda Al-Shabaab, iyadoo ay hoos u dhaceen tirada weerarada tooska ah lala beegsado dowladda iyo fadhiyada ciidammada ay bahda yihiin. Ifafaalahaanu wuxuu soo billawday horaantii sanadka, taasoo muujineyso hoos-u-dhaca tirada weerarrada tooska ah iyo kororka tirada dilalka qorsheysan iyo qaraxyada. Waxay kooxdu u muuqataa inay u sii xuub-siibaneyso taktakida dagaal-magaaleedka, si ay uga raad-tirato duqaymaha hawada ee kusii kordhayey kuwaasoo wiiqay awooddeeda ay ku dhibaateyn jirtey dowladda iyo xulufadeedaba.

Ololaha dilalka toogashada ah

Toogashada qorshaysan ee bistooladaha loo adeegsado ayay xoogga ku saaraan Muqdisho iyo nawaaxigeeda, qaasatan dhanka Woqooyi-Galbeed. Saddexdii bilood ee ugu dambeysey ee 2018 heerka xawligoodu isma beddelin oo wuxuu la mid ahaa rubucyadii ka horreeyey isla muddadan.

a1.png a2.png

Ururka Dowladda Islaamiga ee Soomaaliya (DIS) [Daacishta Soomaaliya] wuxuu Muqdisho uga soo faafay dhanka buuraleyda Bariga Boosaaso oo ay ku dhuumaaleystaan, iyagoo caasimadda usoo direy ku-xigeenka Amiirkooda si uu ula socdo faafidda iyo xoogaysiga kooxda. Ku-xigeenka DIS waxaa si aan weli la fahamsaneyn loogu dilay magaalada Muqdisho; si kastaba, DIS waxaa joogitaankeeda caasimadda laga dareemay markii ay dileen ganacsato diiday inay bixiyaan canshuurta.

a3.png

Cabsi uga soo korortay xagga DIS inay u lumiyaan awoodda ay ku lahaayeen Caasimadda, ayaa Al-Shabaab waxay ku jawaabtay inay unugyadooda Amniyaatka iyo weliba qaar ka mid ah cutubyadooda rigliga ah ka hawl geliyaan Muqdisho, gaar ahaanna Suuqa Bakaaraha. Waxay ku hanjabtay inay baabuurta qaraxyada lagu raro u diri doonto ganacsi walba oo aqbala shuruudaha DIS. Waxayna u ballan qaadeen inay iyagu ilaalin doonaan ganacsiyadoodaas, iyagoo u qeybiyey lambarro telefoon oo ay soo wici karaan haddii ay khatar dareemaan. Macluumaadka uga yimid taleefonada ay qaybiyeen iyo weliba baaritaannadii gaar ahaan ay AS sameeyeen ayaa ka caawisey inay markiiba fahmaan siduu u shaqeeyo badanka unugyada DIS ee gudaha iyo agagaaraha Muqdisho. AS waxay muddo labo toddobaad ah si la hubo uga takhallustay dhaqdhaqaaqyadi DIS ee gudaha iyo agagaaraha magaalada Muqdisho.

Is-beegsiga DIS-AS ee Muqdisho, ayaa AS ka mashquuliyay beegsigii ay ku wadi lahaayeen DFS xilligan. Si kastaba, awoodaha dheeraadka ah ee ay kusoo daadisey Caasimadda waxaa macnaheedu yahay inay dilalka toogashada ahi kasii socon doonaan degaankan.

a4.png

Ololaha qaraxyada

Si la mid ah ololaha dilalka toogashada ah, ayuu ololaha qaraxuna ugu koobnaa Muqdisho balse kusii faafay dhanka Woqooyi-Galbeed ee Caasimadda. Waxay taasi tilmaameysaa inay AS leedahay ciidan tayo leh oo Amniyaat ah oo ka hawlgala degaannada Woqooyi-Galbeed ka xiga Muqdisho.

a5.pngAS waxay isku dayeysaa inay go’doomiso ciidammada ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose iyadoo jidadka qaraxyada macmalka (IED) ah u dhigaysa baabuurta milateriga, halkaasoo ay bishii Disembar 2018 ku dishay taliyihii ugu sarreeyey ciidanka XDS Qeybta 12 Abriil. Kooxdu weli wey waddaa ku-daadinta qaraxyada macmalka ah ee jid-xeebeedka ku fidsan jihada Koofur-Galbeed ka xigta caasimadda.

a6.png

Rubuci ugu dambeeyey ee 2018 wuxuu ahaa mid ay qaraxyadu kordheen 235% markii la barbar dhigo rubucii ugu horeeyey ee isla sanadkaas. Tani waxay si cad uga jawaabeysaa kordhinta weerarada cirka ah ee diyaaradaha Mareykanka ee lala beegsanayo dhaqdhaqaaqyadooda milateri.

Kooxdu waxay u muuqataa inay beddeleyso muuqooda si ay isugu diyaariyaan xaqiiqada cusub ee goobta dagaalka una yareeyaan sida weerarrada hawadu u saameeyeen awooddooda shaqo.

a8.png

a9.png

Adeegsiga awood milateri toos ah

Markii ugu horreysey sanadka 2018, ayey ciidammada xulufadu ku guuleysteen inay AS/DIS ku qaadaan weerarro toos ah, kuwaaso ka badnaa kuwa ay AS ku qaadi kartey ciidanka xulufada. Weeraro oo ay qaadeen ciidanka Puntland ee Woqooyi-Bari dalka illaa kuwa Jubbaland ee Koofurta, AS waxaa inta badan lagu koobay is-difaac. Waxaa dagaallo uga guuleystay ciidammada qabiillada iyo kuwa Galmudug ee bartamaha Soomaaliya, sidoo kalena hoggaamiye ayaa si gaadmo ah looga dilay gobolka Koofur-Galbeed. Duqeynta cirka ahi waxay AS ku adkeysey inay adeegsato hubabkeeda cuscuslaa iyo weliba daabulidda ciidankeeda, taasoo siisey ciidanka gobollada fursad aysan hore u heysan jirin.

a10.png

a11.png

Gabagabo

Kaalmada laga helay duqaynta cirka ah ee ciidammada xulufada ayaa ciidanka DFS/DGS/AMISOM u suuro gelisey inay AS kala wareegaan awoodda milateri rubucii ugu dambeeyey ee 2018; AS waxaa lagu qasbay inay yareyso dhaqdhaqaaqyadeedi milateri ee miyiga. Si kastaba ha ahaatee, si ay uga jawaabto qasaarahaas ayey iyana noloshii ku adkeysay degaannada ay dowladdu ka taliso, iyadoo qaraxyada macmalka ah ku xirtay jidadki waaweynaa ee sahayda, una beddelatay dagaal magaalo.

Gudaha Muqdisho, AS waxay kusii yeelatay kalsooni badan kaddib markii ay ganacsatada gudaha siisey ximaayad aysan ka heli jirin DFS. Mashinkii ay ugu talogashay iska caabbinta DIS ayey kooxdu usii adeegsan doontaa ballaarinta ololaheeda dagaal magaaleedkeeda. Dowladda iyo xulufadeeda waxay u baahnaan doonaan inay si aad ah u maalgeliyaan ilaalinta magaalada iyo inay ximaayad siiyaan shacabka, haddii kale waxay qatar ugu jiraan inay gacantooda kasii baxdo caasimaddu.

Warbixintan waxaa diyaariyey machadka daarsaadka amniga ee Hiraal Institute

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this