Deeq A. Posted March 30, 2019 Sheekaddii Geelayagga…W/Q Axmed Nuur Guruje Noloshii baadiyaha ee u muuqata inn ay hadda sii dhamaanaysaa waxay ahayd nolol han iyo hal-abuur leh , dadkuna noloshiisa si wanaagsan uga wada hadlo hadba wixii lasii gudboonaada . Hawl maalmeedka laf-dhabarta u ahaa nolosha waagaas ee xoolo dhaqatadana waxaa laggu dhex wadi jirey kaftan iyo xifaale hadba marka dhacdi timaadaba la is waydaarsado . Hadaba dulucda sheekadan aynu u gonda degnee ,badhtamihii qarnigii horre ama 50 kii , ayaa sidda sheekadani inagu soo gaadhey xili Jiilaala geelal xaafaddu lahayd lagga soo aruuriyey dhulka Hawdka loo yaqaano ee Daroor kor kagga beegan , waxaana loo soo arooriyey Dooxyadda Debis oo waagaas lagga cabi jirey. Markii Geelashi cabeen ayaa meel dhexe , labba qaalmood geelashii kaga lumeen , ka dibna hadii la doon doonay waa la waayay , geelashii ay ka lumeena lama joojine waxay ku fuleen meeshii ay kasoo arooreen . Dabeeto nin gabyaa ahaa oo arrintaa ka faaidaystay , ayaa isagoo nimanka waagaas geelasha waday , isagoo dacaayadaynaya wuxuu yidhi :- Ninkii dhaqasho geel doonayaa , wuu dhix dhixiyaaye , Dhubato iyo tuurtiyo ilaa dhinacyadii tuurta , dharaar bay intaa wada marsheen sidda dhanbaalkiiye , dhangaday ku feedheen , sidii maal lasoo dhacaye , ***** kagga tageen qaalmihii dhogorta xiisnaaye , Dhulka waxaa u caanoo u maray raabsi baa dhibaye , Dadka lagga dhacyaa iyo isagga dhawr ka qala aaba , Dharartaan hilib geel la cunin waa dhoma’ayaane , Jeeroo col dhaamaa u kaco dhaayin celinteedda , Dhoobada tubnaa iyo hablaha badi ka dhiibnaaba , waa u dhaxal la’aan Cali ninkii dhaqo yidhaa geele . Source Share this post Link to post Share on other sites