Sign in to follow this  
Deeq A.

Siciid Deni oo caawa u hoyanaya degmada Carmo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdiga uu hoggaaminayo ayaa hadda gaaray degmada Carmo ee gobolka Bari halkaasoo uu caawo ku hoyanayo sida qorshuhu yahay.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo galabta ka carraabay degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa markii uu gaaray Carwo waxaa ku soo dhoweeyay maamulka degmada saraakiil ka tirsan ciidanka Booliiska mas’uuliyiin ka socda golayaasha dowladda iyo bulshada qeybaheeda kale.

Mudane Deni oo sida qorshuhu yahay caawa u hoyanaya degmada Carmo ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la qaadan doona maamulka iyo bulshada degmadaasi waxaana uu Sabtida berriya uga sii gudbi doonaa dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

PUNTLAND POST

The post Siciid Deni oo caawa u hoyanaya degmada Carmo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this