Deeq A. Posted March 29, 2019 Axmed Siciid Muuse duqa caasimadda Garoowe Guddoomiyaha golaha degaanka, ahna duqa caasimadda, Axmed Siciid Muuse, ayaa sida qorshaysan khudbad u jeedin doona, kalfadhiga golaha degaanka Garoowe oo furmaya Sabtida berriya. Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa ku faahfaahin doona, waxqabadkiisi degmada Garoowe ee 6-dii bilood ee la soo dhaafa, iyo barnaamijka horumarineed ee u diyaarsan in uu fuliyo 6-da bilood ee soo socota. Duqa caasimadda oo la doortay 29-kii Agoosto 2018, ayaa tan iyo wakhtigaasi ku hawllanaa barnaamijyo kala duwan oo ku saabsan horumarinta magaalada, gaar ahaanna bilicda iyo nadaafadda oo sida la sheegayo uu wax badan ka qabtay. Sidoo kale, mudada uu xilka hayay wax khilaaf ah kama dhex jirin, maamulka degmada iyo xildhibaannada golaha degaanka, si ka duwan maamulladii degmada soo maray. PUNTLAND POST The post kalfadhiga golaha degaanka Garoowe oo berri furmaya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites