Deeq A. Posted March 29, 2019 Nairobi (SMN) – Nin Soomaali-Ameericaan ah ayaa loogu maxkamadeynayaan dalka Kenya isku day dil oo uu sameeyay, sidda la sheegay. Jamaal Maxamed ayaa lagu eedeeyay in uu dil ugu goodiyay shaqsi kale oo Soomaali ah markii ay ku murmeen arrimo maaliyadeed. Maxkamada magaaladda Makadaara ayaa lagu wadaa in uu kasoo muuqdo Jamaal si loogu qaado dacwadda lagu soo eedeeyay. Laamaha amaanka ayaa shaaciyay in Jamaal u sheegay in uusan ujeedkiisu ahayn dil, inkasta oo ay sheegeen in ay baaritaanka sii wadayaan. Labada nin ee Soomaaliga ah oo horey xiriir fiican u lahaa ayaa murankooda waxa uu ka dhacay xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii. View the full article Share this post Link to post Share on other sites