Deeq A. Posted March 29, 2019 Muqdisho (SMN) – Qoys Soomaaliyeed ayaa ka cabanaya boob lagu hayo dhul ay ku leeyihiin inta u dhaxeysa Haanta Dheer iyo Zaban-zaban ee degmada Dayniile, caasimada dalka ee Muqdisho. Reerkaan oo sheegay in dhulka ay dhaxal ahaan uga tageen waalidkooda ayaa tibaaxaya in dhulkooda ay dhacayaan shaqsiyaad adeegsanaya shaarka dowlada, kuwaasi oo ay codsadeen in laga qabto. Madaxda ugu sareysa dalka, gaar ahaan Madaxwayne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Khayre ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay soo farageliyaan kiiskooda, isla markaana ka cadaaladda garab siiyaan. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Warka-Dhulka-ee-Wariye-Soofeysane-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites