Deeq A. Posted March 29, 2019 Boosaaso (SMN) – Shir looga hadlayo amniga magaaaladda Boosaaso oo ay ka qayb galeen dhinacyo kala duwan ayaa ka dhacday halkaasi. Wasiirka amniga dowlad goboleedka Puntland, C/Samad Gallan oo shirka ka hadlay ayaa sheegaya in ay sugayaan amaanka xarunta gobolka Bari. Mr Gallan ayaa ku nuux-nuux saday in Puntland ay dhaqaalaha ugu badan ku bixineysa amaanka Boosaaso oo maalmihii u dambeeyay liitay. Wasiirka ayaa cod dheer kaga dalbaday shacabka in ay la shaqeeyaan hay’addaha amaanka si loo xasiliyo magaaladda. Magaaladda dekada leh ee Boosaaso ayaa waxaa dhowaanahaan ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanayo mas’uuliyiinta iyo wax-garadka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites