Deeq A. Posted March 29, 2019 Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku xigeenka cusub ee howl galka UNSOM ee Soomaaliya u magacaabay George Conway oo u dhashay dalka Canada. Mr Conway oo sidoo kale noqonaya xiriiriyaha arimaha gargaarka bani’aadinimo ee Soomaaliya ayaa badalaya Peter de Clecq oo dhawaan jagadaasi ka tagay. Mas’uulka cusub ayaa waxa uu horey ugu tirsanaa barnaamijka horumarinta mashaariicda Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ee loosoo gaabiyo UNDP. Mr Guterres ayaa mas’uulka Conway u sheegay in ay hortaalo shaqo adag loogana baahan yahay inuu sameeyo dadaalo dheeraad ah si uu uga soo baxo waajibaadkiisa. Magacaabiista Mr Conway ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan golaha ammaanka ee UN-ka uu mudo kordhin hal sano u sameeyay xafiiska arrimaha siyaasada UNSOM. View the full article Share this post Link to post Share on other sites