Deeq A. Posted March 29, 2019 Garoowe (SMN)- Madaxweynaha maamulka Putland Saciid Cabdullaahi Dani oo booshaqo ku bixinaya deegaano iyo degmooyin katirsan putland gaar ahaan gobolka bari oo ay ka mid tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi,ayaa intii uu ku sugnaa deegaanka waxaa uu boqolaal shacab ah kula kulmay degaanka Waaciye. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa sheegay in maamulkiisu uu Mudnaanta siin doonom arimo ay ka mid tahay amniga deegaanadaasi,dhaqaalaha iyo qorshaha tayeenta ciidamada maamulka Putland,waxaana uu uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen bulshada deeganadaasi. Socdaalkan oo ah kii ugu horreeyay ee tan iyo markii la doortay uu ku tego gobollada Bari ayaa madaxweynuhu ugu kuur galay xaaladda amni iyo tan nololeed ee ka jirta gobolladaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites