Deeq A. Posted March 29, 2019 Ankara (SMN)- Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa si adag u cambaareysay qaraxii shalay ka dhacay magaaladda Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 15 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaa ka badan. Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka dowladda Turkiga ayaa tacsi loogu diray qoysaska iyo saaxiibada dadkoodii ku waayay weerarkaasii,halka kuwa dhaawacmay loo rajeeyay soo kabasho degdeg ah. Saraakiisha amniga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in qaraxiisi loo adeegsaday gaari walxaha qarxa lagu soo buuxiyay uu ka dhacay isgooska dabka iyo hoteelka Wehliye ee magaalada muqdisho. Dowlada Turkiga ayaa shaacisyay in ay xoojineyso taageerada dhinaca amniga ee uu siiyo dowladda fedaraalka Soomaaliya si ay xasilooni ugu soo dabaasho guud ahaan dalka gaar ahaan magaaalda Muqdisho. Xarakada Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas’uuliyadda qaraxaasi, iyada oo sheegtay in ay ku dishay qarixii shalay in ka badan 10 qof oo u badan mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites