Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo Saraakiil Tababar Ugu Soo Xirtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa tababar ku aadan dhowrista xuquuqda aadanaha iyo sharciga ban,aadinimada magaalada Muqdisho ugu soo gaba gabeeyay saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Ujeedka tababarkaasi ayaa waxaa lagu sheegay sidii ciidamada dowladda Soomaaliya u dhowri lahaayeen xuquuqda shacabka xilliyada ay ku jiraan howlgalada.

General Odawaa Yuusuf Raage oo ka tirsan saraakisha Milateriga Soomaaliya ayaa xusay in tababarkaasi u muhiim u yahay saraakiisha iyo ciidamada xooga dalka.

Waxaana uu intaasi ku daray in tababarkaasi ay ka faa,iideysteen dhamaan ka qayb galayaasha oo badankood ka tirsanaa Milateriga dowladda federalka ah ee Soomaaliya

Tababarkaasi oo lagu qabtay xarunta General Gordon ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyey howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM.

Howlgalka AMISOM ayaa wadada taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya oo la filayo in ay la wareegaan mas,uuliyada amniga dalka marka ay ciidamada midowga Africa ka baxaan Soomaaliya sannadka 2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this