Deeq A. Posted March 29, 2019 Muqdisho (SMN)- Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa tababar ku aadan dhowrista xuquuqda aadanaha iyo sharciga ban,aadinimada magaalada Muqdisho ugu soo gaba gabeeyay saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya. Ujeedka tababarkaasi ayaa waxaa lagu sheegay sidii ciidamada dowladda Soomaaliya u dhowri lahaayeen xuquuqda shacabka xilliyada ay ku jiraan howlgalada. General Odawaa Yuusuf Raage oo ka tirsan saraakisha Milateriga Soomaaliya ayaa xusay in tababarkaasi u muhiim u yahay saraakiisha iyo ciidamada xooga dalka. Waxaana uu intaasi ku daray in tababarkaasi ay ka faa,iideysteen dhamaan ka qayb galayaasha oo badankood ka tirsanaa Milateriga dowladda federalka ah ee Soomaaliya Tababarkaasi oo lagu qabtay xarunta General Gordon ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban qaabiyey howl galka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM. Howlgalka AMISOM ayaa wadada taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya oo la filayo in ay la wareegaan mas,uuliyada amniga dalka marka ay ciidamada midowga Africa ka baxaan Soomaaliya sannadka 2021. View the full article Share this post Link to post Share on other sites