Sign in to follow this  
Deeq A.

Yuusuf Garaad: “Waxaan ogahay in Shabaab kaliya aysan Xamar dad ku dilin”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay xaaladaha amaanka ee magaalada Muqdisho iyo dadka ka dambeeya qaraxyadii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Yuuruf Garaad Cumar qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu kaga hadlay xaaladaha amaan ee magaalada Muqdisho, waxaana uu ku yiri qoraalkiisa:-

Qaraxii iigu horreeyay oo ka dhacay meel aan joogo waxay ahayd 2013. Weerarkaas waxaa soo qaaday saddex wiil oo labana ay is qarxisay midna lagala hormaray oo la dilay isaga oo gashan jaakad qarax ku rakiban yahay.

Isla markiiba waxaa tuhun la geliyay cidda ka dambeysa weerarka. Xataa shisheeya ayaa ka qeyb qaatay far ku fiiqidda jiho aan ahayn Shabaab.

Ilaa markaas waxaan arkayay marka uu qarax dhaco dadka qaar keena tuhun ah in weerarku Shabaab ahayn ee ay ka dambeeyaan dhinacyo kale. Ma ogi xaqiiqadeeda. Mid ayaanse ogahay. Shabaab keliyihi Muqdisho dadka kuma dilo.

Baaritaan cilmi ku saleysan ayaa loo baahan yahay in weerar kasta lagu sameeyo waxna laga barto.

Xuuraansi ka sokow, Maaddooyinka laga sameeyay qaraxa iyo tabta loo sameeyay waxay wax ka sheegaan cidda sameysay. Xataa waxaa laga ogaan karaa qofka qaraxa sameeyay cidda tababbartay.

Goobta la beegsaday, goorta iyo xeesha weerarka iyagana khubaro akhrin taqaan ayaa jirta. Diiwaanka warbixinnada weerarrada Shabaab haddii uu jirana wax baa lagala dhex bixi karaa.

Baaritaan iyo dabaggal noocaas ah ama ka sarreeya maaddaama aanan arag cid natiijadiisa ila wadaagta, anigu waxaan weerarrada u sameystay miisaan fudud. Waxaan hubiyaa in weerarka uu fuliyay ama uu qeyb ka yahay qof is qarxiyay. Haddii ay jawaabtu haa tahay, Shabaab oo keliya ayaa haysta dad isu qarxiya, adeegsadana.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this