Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxaa baajiyey casho sharaftii Axmed Madoobe loo sameyn lahaa xalay?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay baaqatay xaflad casho sharaf oo Muqdisho loogu samayn lahaa madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan xafiiska Axmed Madoobe.

Sida aan xogta ku helnay, cashadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobalka Banaadir waxaana ka qayb geli lahaa Xildhibaano, Senatoro, wasiiro iyo marti sharaf kale.

Xafladda ayaa loo baajiyey sababo la xiriira qaraxii shalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 12 qof, halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen. Axmed Madoobe iyo xubno kale ayaa soo jeediyay in la baajiyo maadaama aan la damaashaadi karin iyadoo uu mayd yaalo magaalada, sida aan xogta ku helnay.

Axmed Madoobe ayaa Muqdisho ku sugnaa maalmihii dhowaa, waxaana weli uusan la kulmin madaxda dowladda oo uu Muqdisho u yimid inuu kala hadlo is-faham dhex-maray maamulkiisa iyo dowladda dhexe.

Tan iyo markii uu magaalada yimid, waxaa sii xoogeystay weerarada iyo qaraxyada magaalada, ayada oo madaxda dowladda ee galeen jahwareer amni iyo mid siyaasadeed, taasi oo baajisay kulamo dhowr ah oo la qorsheeyey.

Axmed Madoobe ayaa qorshuhu yahay inuu Kismaayo ku laabto maalinta sabatida, hase yeeshee waxay u badan tahay inuu magaalada sii joogo waqti dheeraad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this