Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo baahiyay sawiradda iyo magacyada xubno ay sheegeen inay la eegteen qaraxii shalay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay magacyada xubno ay sheegeen inay ku dileen kuna dhaawaceen weerarkii qaraxa ahaa ee shalay ka dhacay Wadada Maka Al Mukarama.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku taala agagaarka Hotel Wehliye, waxaana Al Shabaab ay shaaciyeen magacyada 13 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ay sheegeen inay kasoo gaartay qaraxii shalay.

Xubnaha ay magacyadooda ay soo bandhigeen ayaa lagu sheegay inay ahaayeen xildhibaano hore, masuuliyiin ka tirsan wasaarado, saraakiil ciidan iyo kuwo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Waxaana ay ku sheegeen magacyada shaqsiyaadka ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxii shalay:-

C/qaadir Xasan Cabdi oo la sheegay inuu kamid ahaa baarlamaankii dowladii Sheikh Shariif iyo  ruux magaciisa lagu koobay Cali Cadde oo la sheegay inuu ahaa agaasime wasaaradeed ayaa ku dhintay weerarka.

Maxamed Ibraahim Sanbuur oo ka tirsan wasiirada Hirshabeelle, Sheikh Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa xildhibaan hore, Maxamed Deeq oo la sheegay inuu ahaa agaasime waaxeed ka tirsan wasaaradda Kaluumeysiga, ruux magaciisa lagu koobay Guuleed oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, ruux ka tirsan Xafiiska R/wasaare Kheyre oo magaciisa lagu sheegay Gaadaco ayay Al Shabaab sheegeen inay ku dhaawacmeen qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Shaqsiyaad ka tirsan maxkamadda gobolka Banaadir, wasaarada Dastuurka, maxkamadda Meletariga, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada, ayay shaaciyeen Al Shabaab inay ku dileen kuna dhaawaceen qaraxii ka dhacay maqaayadda u dhow isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in qaraxii shalay ay dad shacab ah waxyeelo kala duwan kasoo gaartay, iyadoo Al Shabaab ay soo bandhigeen magacyada shaqsiyaadka ay sheegeen inay ku dileen kuna dhaawaceen qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa kadib Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda ayaa sheegay inay la eegteen qaraxa goob uu ka jiray isku imaatin, islamarkaana ay goobta ku sugnaayeen masuuliyiin kala duwan oo bartilmaameydka uu ahaa.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa kordhay weerarada Al Shabaab ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho.

Sawirada Hoose waxaa soo bandhigay Al Shabaab.

4pofsa8p4vvs.jpg 92iplg6fq37o.jpg obaela7k899e.jpg vvvuilxtxgm4.jpg yeh3o7290gkj.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this