Sign in to follow this  
Deeq A.

Aafooyinka qabiilka; Waa xanuun ku habsaday geeska Africa.

Recommended Posts

Deeq A.   

Aafooyinka qabiilka; Waa xanuun ku habsaday geeska Africa.

Hordhac,
Maqaalkan yar ee kooban waxaan rabaa inaan ku yara iftiimiyo aafooyinka qabiilka qaar ka mid ah si looga foojignaado sidii looga hortagi lahaana xal loo raadiyo oo afgaar la is waydaarsado.

Faalo:
Taariikhdu waxa ay ina tusaysaa ummadihii inaga horeeyey iyo dhaqankoodii qabaliga ahaa iyo fikirkii qabiilka ku salaysnaa meesha u dhigay. Ummadaha maanta aduunka guudkiisa joogana kuwa qabaliga ku dhaqmaa waa kuwa ugu hooseeya dunida ee ugu faqiirsan iyaga oo ka dhamaan waayay burbur nafeed iyo dhaqaale.

Sida aynu wada ogsoonahay xaddaaradda aduunku waxa ay soo martay jaranjarooyin kala duwan laga soo bilaabo Adam ilaa waqtigan casriga ah ee aynu joogno. Jiritaanka aadamuhuna waxa uu ahaa mid marwalba la jaanqaadaya xaddaaradda. Bulshada la jaanqaadi waydaana waxa ay noqotaa baaba’, aduunka guudkiisana waa laga waayaa qarniyo kooban kadib.

Mandaqadda aynu ku dhaqannahay iyo afrikaba dhamaanteed waxa curyaamiyey waa qabiil. Inbnu Khaldun oo wax ka qoray maamulka waa qarnigii saddex iyo tobnaad ayaa sheegaya ‘inay ‘Afrika dadkeeda qaybiso sidaa darteedna ay yihiin dad aan la maamuli karin oo u dhaqma sida xayawaanka’.

Waxa iswaydiin leh maanta, ta inna dhex mushaaxaysaa miyaanay ahayn wixii dhacayey 800 oo sano ka hor. Su’aashu waxa weeyi ma la jaanqaadi karnaa xaddaadradda maanta dunida haddii uu fikirkeenu taaganyahay jaranjar uu caalamku kasoo gudbay 800 oo sano ka hor. Jawaabta runta ahi waa maya. Inta aad aduunka ku nooshahayna waxaad ku noolaan nolol silicsan oo kakan.

Sobobtu waxa weeyi qabiilku waxa uu curyamiyaa maskaxda aadamaha oo waxa uu beeraa aragti qaloocan oo qofku aanu arki karin sida uu horumar iyo isbadal nololeed ku imanayo.

Maanta waxa la ogaaday in maskaxda aadamuhu ay isku xidhxidhanto (hard wired) inlmuhu marka uu laba sano jiro waxana saameeya waalidka, caqligooda, cilmigooda, iyo aduunyadooda. Deegaankuna dib ayuu xidhxidha waayarada maskaxda marka uu ilmuhu koro oo waayaro cusub ayaa samaysma. Waxa aan qabaa sobobta ugu wayn ee aynu maanta noloshii laga soo gudbay 800 00 sano ka hor ugu jirnaa waxa weeyi, gurigii iyo deegaankii ku xeersanaa labaduba waxa ay qalooc joogta ah galinayaan maskaxdii oo qofkii marka uu koro maba hayso indho kale. Wuxuuna u haystaa in fikrkiisu uu saxanyahay. Xataa haddii uu dab ku dhacayo ma arkayo ilaa uu ku haligmo, waa goor ay fandhaal iyo xeedho kala dheceen.

Aafooyinka ugu waa wayn ee qabiilku markaas waxa weeyi curyaaminta maskaxda. Taas oo saamaysa dareenka aadamaha.Way adagtahay sida loo daweeyaa dareenka xun (emotional probkems) ee ka dhasha maskaxda sida qaloocan iskugu rakibantay. Tusaale waxa kuugu filan waxa aad arkaysaa qof waxbartay oo intaas oo digrii haysta iyo sheekh cilmi leh, oo hadana fikirkisii ka dhamaan laayahay qabiil iyo wixii la halmaala. Sobobtu waxa weeyi maskaxda ayaa si qaloocan u xidhxidhan oo aqoonkasta wuxuu ku eegayaa il qaloocan. Markaa qofku xaqiiqiyan waxa weeyi qof maskaxda ka buka, markaa qofka noocaas ah wuxuu wadaa waa khasaare. Nolosha ayuu ku khasaaray inta kalena wuu khasaarinayaa. Tusaalena meel dheer ha ka dayin, fiiri burburka iyo baaba’ haysta ummadaha uu xanuunka qabiilku ku habsaday ee aynu ka mid nahay.

Gunaanad:
Waxa aynu odhan karnaa sobobta ay Africa u socon laadahay waa dadkaa dubka ka fayow laakiin maskaxda ka jiran, ee maskaxdooda sida qaloocan loo waayir gareeyey. Taasina waxa keenetay waalidka iyo deegaanka oo si iskabaysa xidhxidhitaanka maskaxda ee qaloocan u saacidaysa.

Talo:
1. Waxa laga bixi karaa arintan curyaamisay fikirkii iyo maskaxdii Africa in qofka la arko argtidiisu inay ku salaysantahay qabiil in loo la fahmo oo la ogaado qofkani inuu xanuunsanayo dhinaca maskaxda oo maskaxdu ay isugu xidhxidhantay si qaloocan.

2. Qofku runtii wuxuu isku haystaa inuu fayawyahay, bulshaduna waxa laga yaabaa inay sidaa u aragto waa haddii ay maskaxdu sidaa qaloocan isugu xidhxidhantahay. Maskaxda caafimaadka qabta ee fikirka shaandhaynaysa (critical thinking) ayaa ugu dhaw inay cadaalad iyo horumar horseedo, taana waa in la kobciyaa si looga baxo mugdiga.

4. Ummadu waa inay dib u eegto taariikha dhaw haddii aanay kayd aqooneed lahayn oo ay darasadaysaa aafooyinka ka dhashay fikirka qabiilka.

Mawlid Ali

alimowli@yahoo.co.uk

Sent from Yahoo Mail on Android

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this