Deeq A. Posted March 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay qaraxii ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho. Madaxda Qaranka ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay dhacdaasi oo lagu beegsaday makhaayado ka cunteynayay. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Aadan Isaaq Cali ayaa sheegay in dowladdu dadaal ugu jirto sugidda amniga. Mr Cali ayaa bulshadda ku boorriyay in ay u midoobaan la dagaallanka yeeray argagixisada maalin kasta daadinaya dhiigga shacabka, sida uu hadalka u dhigay. Inta la xaqiijiyay 15 ruux ayaa ku dhimatay, xili ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka badan 20 qof weerarkaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites