Deeq A. Posted March 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada waxbarashada ayaa maanta dhagax dhigay Xaruntii hore ee xanaanada caruurta ee degmada Warta Nabada oo aan shaqeynin mudadii uu dalka bur bursanaa. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho iyo wasiirka waxbrashada ayaa si wadajir ah udhagax dhigay dhismaha xaruntaasi oo dib u dayactir lagu sameynayo. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, gudoomiyaha gobolka Banaadir, oo sheegay in dhismaha xaruntaan ay qaadan doonto muddo saddex bilood ayaa xusay in ay dabooli doonto baahiyaha darbi jiifka. Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle [Jaabiri], wasiir waxbarashada Soomaaliya oo ku tartarsiiyay shacabka in ay taageeraan dhalinyarada darbi jiifta ayaa shaaciyay in dowladu ay wax ka qaban doonto arrinkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites