Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo loogu baaqay in uu ‘xilka iyo amaanada u soo celiyo shacabka’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Craxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii maanta ka dhacay agagaarka Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho, isaga oo su’aalo ka keenay qaabka loo wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Qoraalkiisa ayuu kaga dalbaday madaxweynaha inuu wax ka qabto amaanka dalka ama uu amaanada kusoo wareejiyo shacabka Soomaaliyed.

Aqriso qoraalka Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha dawlada iyo wadada Makka Al Mukaramah oo ay dawladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay.

Shabaab in ay cadow yihiin la iskuma hayo, mana laha hawl aan ahayn gumaadka shacabka iyo burburinta hantidiisa. Su’aashuse waxay tahay hadii la yiraahdo halala diriro, yaa dagaalka hogaaminaya, hadii la yiraahdo dagaalkooda ha loo midoobo, yaa dadka midaynaya. Hadii la yiraahdo dadka ha is difaacaan, deegaanadii iskood isku xilqaamay ayaa garab ka waayey dawlada oo dadkii ay halkaa ku laayeen.

Hadii Hay’adii Nabadsugida aysan bilo badan taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Hadii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu taliye ka yahay booliska Gobolka Banadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi.

Mushaar la’aan iyo ku takrifal awoodeed darteed, hadii moraalka ciidanka iyo saraakiisha hay’adaha nabadgelyada uu aad u hoseeyo. Hadii shacabkii aysan kalsooni ku qabin soo gudbinta xogta la xariirta argagexisada, iyagoo ka baqaya in la ogaado, lagana aarguto, maadaama ay argagaxesidu dad ku dhex leedahay ciidanka. Hadii uu lumay xiriirkii wada shaqayn ee hay’adaha amniga dalkeena iyo kuwii ajnabiga ahaa ee gacanta siin jiray, ka dib markii shaki iyo xiriir xumi wada shaqayn ah timid.

Su’aasha waxay tahay maxay is dooroyaan argagexisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyadiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Hadii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummada xilka iyo amaanada u soo celi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this