Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Dowladda oo gacan ka taagtay sugidda amniga magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa tododbaadyadii ugu dambeeyey noqday maalinle, hase yeeshee haddii aad sugeysay in dowladda qorshe ay ku maqan tahay, taas ma muuqato.

Waxyar kadib qaraxii maanta ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa xiriir aan la sameynay sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya, waxaan wax ugu weydiinay, sida wax u socdaan iyo qorshaha dowladda.

Sarkaalkan oo sababo amni dartiis codsaday inaan magacaabin ayaa noogu jawaabay “waxba lagama qaban karo.”

Sida sarkaalkan noo sheegay, ma jiro wax dhaq-dhaqaaq ah oo ay wadaan saraakiisha dowladda, ma jiro xiriiro socda, ama xitaa cid isku dayeysa inay ogaato sababta qaraxyada u kordheen iyo waxa laga qaban karo.

“Dowladdu ma dhaheyso waxba qaban meyno, laakiin waxaa muuqata in arrintan ay faraheeda ka baxday, oo ay quusatay” ayuu yiri sarkaalka.

Ka hor xukuumadda Nabad iyo Nolol, dowladihii dalka soo maray ayaa marka xaalado culus ay dhacaan, sameyn jiray isbeddelo amni, oo ay qeyb ka yihiin wasiiro ama taliyayaal xilka laga qaado, hase yeeshee dowladda hadda jirta ayaa istaraatiijiyaddeeda ugu weyn ay u muuqataa inay ka aamusto amni-darrada.

Qaraxyadii ugu dambeeyey ayaa imanaya ayaga oo inta badan horey loo sii ogaa inay dhacayaan oo ay jiraan digniino laga bixiyey, hase yeeshee waxaan muuqan awood lagu hor-istaagi karo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this