Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxii ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay goob Maqaayad ah oo ay dad shacab ah ka cunteenayeen oo ku taal wadada Makka Al Mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayey ku sheegtay in qarax xooggan ay ku beegsatay goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay.

“Al-Shabaab ayaa qarax ku beegsaday goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo howlwadeenno ka tirsan dowladda, ugu yaraan 10 ka tirsan ayaana goobta ku dhintay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al -Shabaab waxay sheegtay in goobta weerarku ka dhacay ay ku sugnaayeen agaasimayaal wasaaradeed, xildhibaanno hore, saraakiil ka tirsan sirdoonka iyo shaqaalaha wasaadaradaha dowladda, kuwaas oo dhammaantood bartilmaameed ahaa, sida ay sheegatay Al-Shabaab.

Marka laga soo tago sheegashada Al-Shabaab, dadka qaraxaas ku dhintay ayaa ahaa dhammaantood dad shacab ah oo maqaayadda raashin ka cunayey iyo kuwa kale oo isticmaalayey jidka.

Ma jirto ilaa hadda inta la xaqiijiyey wax mas’uul ka tirsan dowladda oo ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxii Makka Al-Mukarama ka dhacay.

Inta la xaqiijiyey 11 qof ayaa ku dhimatay halka 16 kale ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay guud ahaan Magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa sida dhowaanahan lagu bartayba, aan wax war ah kasoo saarin qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this