Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Magacaabis Sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-278/032019​, ku magacaabay​ Maareeye ku xigeenka Haamaha Keydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:​Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey:​Ahmiyadda ay Haamaha Kaydka Shidaalku u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay:​Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:​In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: ​La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Carfaan Xaamud Cabdoo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this