Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha arimaha dibada ee Xisbiga Waddani oo socdaal ku maraysa xarunta midowga Yurub

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha arimaha Dibadda ee xisbiga Waddani Marwo Fatima Siciid Ibrahim oo socdaalo diplomasiyadeed ku gala bixineysa Magaalo madaxdda Midowga Europe ee dalka Belgium caasimadda Brusels.

 

IMG-20190328-WA0005-225x300.jpg IMG-20190328-WA0006-225x300.jpg IMG-20190328-WA0007-225x300.jpg

Socdaalkan baa Waxu u daran yahey xoojinta iyo dardar-galinta arimaha dimuqradiyadda iyo doorashoyinka mustaqbalka. Sidii dowlaha Somaliland tageera ey u xoojin lahayeen. In waxii dorashoyinkii hore khaldamey aaney mar labaad khaldamin.

Si kastaba ha ahaate Marwo Fatima ayaa casumaad ka heshey Baarlamanka Europe madaama ey tahey GABADH Ugu derejadda sareysa Haweenka Somaliland. Iyadoo heysa xilka xooghaya Arimaha dibadda ee xisbiga Waddani oo dhigma wasiirka arimaha dibadda.

Sidaas daradeed dowladdaha Midowga Europe ayaa u arka iney Mrs Fatima tahey qof ku haboon xilkaas aqoonteedda leh. Iyadoo Markii horena aheydd xooghaya arimaha haweenka iyo xaquuqal insaanka.

Sidaas darteed casumaad ey ka heshey baarlamanka midowga Europe ayey maanta ku tagtey Safar-qaatey sacado KOOBAN. Waxeyna aad uga wadda hadleen qadiyadda Somaliland iyo geedi-SOCODKA dowladd wanaaga iyo dimuqradiyadda sidii loo xoojin lahaa. Safarkan baa waxu ku soo dhamaadey guul.

Ergeyga gaarka ee xisbiga waddani u qaabilsan wadamadda midowga Europe iyo
Hay’addaha qaramadda midoobey.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this