Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Dad Shacab Ah Ku Dilay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil la sheegay in laba ruux oo shacab uu u geystay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ay maamusho.

Xildhibaanka dilka geystay ayaa magaciisa lagu soo koobay Bashiir Diiriye,waxaana dilkaasi uu ka dhacay gobolka Jarati ee dalka Itoobiya.

Dilka ayaa imaadaya kadib muran dhuleed soo kala dhex galay labada marxuun iyo xildhibaanka oo la sheegay in dhulkaasi uu horay ugu wareejiyay maamulkii hore ee gobolka Jaraati.

Gudoomiyaha gobolka Jaraati Saafi Diiriye ayaa sheegay in muran dhuleedkaasi uu soo jiitamay mudo fara badan,isla markaan marar badan ay isku dayeen ka maamul ahaan in ay xaliyaan,balse arintan ay ka war heleen.

Sidoo kale gudoomiyaha gudoomiye Saafi ayaa shaaca ka qaaday in gacanta lagu dhigay xildhibaanka dilka geystay,isla markaana cadaaladda la hor keeni doono.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this