Deeq A. Posted March 28, 2019 Gaalkacyo (SMN)- Wafdi balaaran uu hogaaminyo madaxwenaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Madaxweyne Xaaf iyo wafdigiisa ayaa si balaaran garoonka diyaaradaha ee maagaalada Gaalkacyo waxaa ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Inta uu joogo Gaalkacyo madaxweyne Xaaf ayaa kulamo la qaadan doona odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada uu kala hadli doono xaaladda Galmudug iyo qorshaha dib u heshiisiinta. Madax ka tirsan maamulka Galmudug oo la socday wafdiga madaxweyne Xaaf ayaa Shabelle u sheegay in madaxweynaha dhowr cisho uu joogi doono magaalada Gaalkacyo. Safarka madaxwyne Xaaf ee Gaalkacyo ayaa ku soo beegmaya xili maamulkaasi uu ka dhex jiro khilaaf xoogan oo sababay in uu maamulkaasi u qeybsamo labo garab oo kala ah Cadaado iyo Dhuusa Mareeb. View the full article Share this post Link to post Share on other sites