Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’ado Ka Hor Yimid Qorshaha Kenya Ee Xeryaha Dhadhaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN)- Ha’yadd u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ka hor imaatay go’aanka dowladda Kenya ku dooneyso in ay albaabada isugu dhufato xeryaha qaxootiga ee ugu balaaran aduunka ee Dhadhaab.

Ha’yadda ayaa sheegtay sidoo kale in hadii xukuumadda Nairobi ay ku adkeysto go’aanka ka dhanka xeryaha Dhadhaab ay halis galin doonto nolosha qaxooti gaaraya 250 kun oo Soomaali ay ku jiraan.

Bishii Febraayo ee sanadkan dowladda Kenya oo sababo amni u cuskaneysa xiritaanka xeryaha Dhadhaab ayaa qoraal ay u gudbisay qaramada midoobay waxay ku sheegtay in bisha August ee sanadkan ay qorsheeneyso in ay xirto xeryaha Dhadhaab.

Qoraalo qarsoodi ah oo la helay ayaa lagu ogaaday in laanta qaxootiga qaramada midoobay ee UNCHR ay intii u dhexeysay 2014 iyo 2018 kumanaan Soomaali ah si bilaash ah dib ugu soo celisay gudaha Soomaaliya.

Inta badan qaxootiga UNCHR ay dib ugu soo celisay Soomaaliya sanadihii 2016 iyo 2017 ay ka soo carareen abaarihii dalka ku dhuftay sanadkii 2011.

Sanadkii 2016 dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay xiri doonto xeryaha Dhadhaab,laakiin go’aankaasi ayaa waxaa ka soo horjeestay maxkamadda sare ee dalkaasi iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Hadalka ha’yadda Human Rights Watch ayaa ku soo beegmaya saacado kadib markii ha’yadda u dooda xuquuqda aadanaha ay si xoogan u dhaliisay qorshaha xukuumadda ay ka damacsantahay xeryaha Dhadhaab oo in ka badan 20 ay daganaayeen kumanaan qaxooti Soomaali ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this