Deeq A. Posted March 28, 2019 Dhoobleey (SMN)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Dagallamo oo katirsan degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu bilaawday xili ay howlgalo amni xaqiiijin ah ay ciidamada Jubaland oo garab ka helaya ciidamada Kenya ay ka war heleen in Al-shabab ku sugan yihiin agagaarka deegaanka Dagallamo,halkaasna uu ka dhacay dagaal xoogan. Saraakiil katirsan ciidamada Jubaland oo Shabelle ay la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan weerarkaasi,hayeeshee waxa ay cadeeyeen in wali deegaankaasi ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al-shabab. Xaalada deegaanka Dagallamo ee hoostagta degmada dhoobleey ee gobolka Jubada hoose ayaa lagu soo waramayaa inay tahay mid degan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites