Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo Benisay In Ciidankooda Ay Ka Bexeen Koofurta Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Howlgalka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM ayaa beeniyey in ciidamadooda ay baneeyeen saldhigyo ay ku leeyihiin koofurta Soomaaliya.

Midowga A frika ayaa sheegay in qorshaha dhaqdhaqaaqa ciidamadooda aysan ahayn in ay ka baxeen saldhigyadooda balse tahay istaraatiijiyad ay doonayaan in ay Al-shabaab kaga saaraan deegaano dhowr ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka ayaa lagu sheegay in muhiimada ugu weyn ay tahay in ciidamada amisom ay ku wiiqaan awooda Al-shabaab isla markaana ay sugaan amniga shacabka.

Qoraalka AMISOM ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ay ka baxeen deegaano ku yaala gobalka Gedo ee koofurta Soomaliya.

Howlgalka AMISOM ayaa xusay in dhaqdhaqaaqyada ciidamadooda ay kaga baxeen deegaanada Busar,ceelcade iyo baardheere ay tahay xeelada dagaal.

Midowga Afrika ayaa wada qorshe ay doonayaan in ciidamada soomaaliya ay ugu gacan geliyaan deegaanada ay ku sugan yihiin si ay ula wareegaan mas’uuliyada amniga dalka.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this