Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Amaanka Oo Mudo Kordhin U Sameeyay Xafiiska UNSOM

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (SMN)- Golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa mudo kordhin dheeraad ah u sameeyay howl galka qaramada midoobay ee Somaliya ee  UNSOM sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay golahaasi.

Mudo kordhintaasi ayaa waxaa xubnaha golaha ay isku raaceen in ay noqot mudo hal sanno ah kadib kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee xarunta qaramada midoobay.

Golaha ammaanka ayaa howlgalka UNSOM  ugu baaqay inuu sii wado taageerada uu siiyo Soomaaliya si loogu gudbo caqabado badan oo ka taagan dalka.

Sidoo kale ayaa waxa goluhu uu dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka dalbaday in ay si wadajir ah ula shaqeeyaan xafiiska UNSOM iyo ururada kale.

War qoraal ah oo ka soo baxay kadib kulanka golaha ammaanka ee qaramada midoobay dowladda federaalka ah looga dalbaday in mas’uuliyad weyn iska saarto hanaanka doorashooyinka Soomaaliya oo lagu wado in ay bilawdaan sannadka 2020.

Qaramada midoobay ayaa dhinaca kale howl galka nabad ilaalinta midowga Afrika iyo dowladda Soomaliya ugu baaqay in xoojiyaan ammaanka dalka si doorashada dalka ay ugu dhacdo si xasilooni ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this