Deeq A. Posted March 28, 2019 Jowhar (SMN)- Wasiir ku xigeenka wasaarada aminga maamulka Hirshabelle Geele Isaaq Warsame oo ka hadlayay arimo laxariira amniga deegaanada maamulkaasi ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe in ay gacan ka geystaan Sugida Nabadgalyada deegaanada Maamulkaasi. Geele Isaaq ayaa waxa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay sida uu hadalka u dhigay in aysan dhexdhexaad ka noqonin dagaalka ka dhanka ah Al-shabab ee ka socda deegaanada Maamulka hirshabelle. Alshabab ayaa wali ku xoogan Deegaano dhaca gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ee uu ka arimiyo Maamulka hirshabelle,waxaana inta badan weeraro ay ku qaadaan fariisimaha AMISOM iyo ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degaanada Hirshabelle. Dhawaan ayey aheyd markii kun askari oo ka tirsanaa howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya laga saaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe,taas oo madaxweynaha Hirshabelle uu sheegay in ay saameyn ku yeelan karto howlaha maamulkiisa. View the full article Share this post Link to post Share on other sites