Sign in to follow this  
Deeq A.

Gallan oo sheegay in dhaqaalaha ugu badan ee Puntland lagu bixin doono soo celinta amniga gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir ballaaran oo ku saabsan soo celinta  amniga gobolka bari, gaar ahaanna magaalada Boosaaso, ayaa saaka ka qabsoomay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay ilaa 15 wasiir oo ka tirsan xukuumadda, maamulka gobolka Bari kan degmada Boosaaso, taliyaha ciidanka Booliiska Puntland, saraakiisha amniga gobolka Bari iyo xubno ka socday bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dhammaan mas’uuliyiintii iyo saraakiishi amniga ee shirkaasi ka hadlay, ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado sugidda amniga, waxaana ay shacabka Boosaaso ugu baaqeen, in ay garab istaagan ciidamada kala duwan ee u heellan xaqiijinta nabadgelyada gobolka.

Taliyaha ciidanka Booliiska dowladda Puntland iyo saraakiil kale oo ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari, ayaa dhankooda halkaasi ka ballan qaaday, in ay dadaalka ugu badan gelin doonaan soo celinta iyo sugidda amniga Boosaaso iyo guud ahaanba gobolka Bari.

Wasiirka wasaaradda amniga dowladda Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in haddii amni-xumada magaalada Boosaaso ay sii socoto ay horseedi doonto, shacabka oo lumiya kalsoonida dowladda, taasina ay faa’ido u tahay kooxaha nabad-diidka ah ee ka jira gobolka .

“Magaalada Boosaaso marka loo eego magaalooyinka kale ee Puntland, cabsidu waa ku badantahay,ma dadka joogaa fulayo u badan? ma la cabsi geliyay? Ma garan karo. In ay dhacdo masaajid laba kun oo qof ku tukanayso, qayb badan oo kamid ahna ama baastoolado u xiran yihiin ama ciidan dhex taaganyahay, isimadii u waaweynaa Puntland qeybtood in lagu dhex dilo” ayuu yiri Gallan.

Gallan ayaa sii raaciyay in xukuumadda uu ka tirsanyahay ay dhaqaalaha iyo dadaalka ugu badan ku bixin doonto amniga gobolka Bari, gaar ahaan magaalada Boosaaso, balse taasina ay u baahantahay wada-shaqeyn buuxda oo dhanka shacabka ah.

Shirkaan ayaa ku soo beegmay, xilli uu maalmahan dambe sii xumaaday amniga Boosaaso, islamarkaana madaxweynaha Puntland uu ku wajahanyahay halkaasi.

1-9.jpg?w=1000&ssl=1 3-4.jpg?w=1000&ssl=1 2-4.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Gallan oo sheegay in dhaqaalaha ugu badan ee Puntland lagu bixin doono soo celinta amniga gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this