Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Xukuumadda oo ku dhawaaqday in ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday meelaha ugu daran abaarta

Recommended Posts

Deeq A.   
Booyado-biyaa.jpg?w=1000&ssl=1sawir hore booyado biyaa

Xukuumadda Puntland ayaa maanta ku dhawaaqday in ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan daran ka jirto inkastoo aysan magacaabin degaannadaasi.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cali Xassan Axmed (Sabareey) oo ka warbixiyay shirkii Khamiista maanta ee golaha wasiirada Puntland oo uu guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan ayaa sheegay in xukuumaddu ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday degaanno ka tirsan Puntland oo abaar iyo biya la’aan darani ka jirto.

Sabareey wuxuu intaasi raaciyay in guddiga abaaraha Puntland oo uu guddoomiye u yahay maadxweyne ku xigeenka loo xil saaray in ay booyadaha biyaha gaarsiiyan meelaha loogu tala galay ee abaartu sida ba’an u saamaysay.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST

The post Puntland: Xukuumadda oo ku dhawaaqday in ay 200 oo booyado biyaa ugu deeqday meelaha ugu daran abaarta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this