Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in ciidamada AMISOM ka baxeen qaar ka tirsan saldhigyadii ay ku lahaayeen Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Afrika ayaa soo saaray war-safaaxadeed uu kaga hadlayo dhaq dhaqaaqa Ciidamada AMISOM ee Gobollada qaar isaga baxay.

War ka soo baxay Midowga Afrika waxaa lagu beeniyay in Ciidamada AMISOM ay ka baxeen saldhigyadooda qaar ee Gobollada dalka.

Bixitaanka Ciidamada AMISOM ee ka baxay Saldhigyada qaar ayuu Midowga Afrika ku sheegay mid istiraatiijiyadeed oo lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed sidoo kalena dalka looga saarayo Al-shabaab.

Dhawaan Ciidamada Kenya ee ku jira AMISOM ayaa isaga baxay ugu yaraan afar Saldhig oo ay ku lahaayeen Gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya.

Warka loo qeybiyay Warbaahinta ee ka soo baxay Midowga Afrika waxaa lagu sheegay in AMISOM ay billaabeyso in ammaanka dalka ay ku wareejiso Dowladda Soomaaliya iyada oo la qiimeynayo xaaladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this