Deeq A. Posted March 28, 2019 (SLT-Siyaatal)-Booliska dalka Maraykanka ayaa sheegay in 2 qof lagu dilay, 2-kalena si xun loogu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada Siyaatal. Nin hubeysan ayaa la sheegay in uu toogtay 2 qof oo gaadhi wadatay iyo Bas ka dhex shaqeeya magaaladaasi, kaasi oo sababay inuu dhaco shil gaadhi. Toogashadan ayaa dhacday shalay galab, xilli uu mashquul xooggan ka jiray Waddooyinka. Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inuu ku baxsaday gaadhi uu dhacay. Shirkadda Basaska ee King County’s Metro waxay bartooda Twitterka ku sheegeen in Dareewalka baskooda uu caloosha ka dhaawacmay, lana dhigay cisbitaalka, inkastoo ayna noloshiisa khatar ku jirin. Sidoo kale 12 qof oo rakaab ah ayaa la sheegay inay ka badbaadeen toogashadaasi. Source Share this post Link to post Share on other sites