Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Aad U Culus Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho, Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Faah-faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaadhi oo daqiiqado ka hor ka dhacay wadada Maka-almukarama ee magaalada Muqdisho kaas oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

qaraxa-1.jpg

Qaraxaan oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lala beegsaday sida la sheegay maqaayado ku yaalla wadadaas kuna dhegan hoteelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen ku dhawaad 10 qof oo meyd ah iyaga oo sheegay inay dhaawacyadu intaas ka badan yihiin, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxa ay u badanyihiin dadkii ku sugnaa makhaayadaha la weeraray.

Bur-bur xooggan ayaa soo gaadhay dhismayaasha makhaayadaha la weeraray, dhinaca kalana waxaa weli socda gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas, hay’adaha amniguna waxa war ah kama soo saarin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this