Deeq A. Posted March 28, 2019 Muqdisho (SMN)- Dagaalkan oo u dhexeeyay Al-shabaab iyo ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa AMISOM ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay deegaano hoos taga gobolka shabeelada hoose. Fariisimo ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Arbacoow ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa weerar xoogan waxaa ku soo qaaday Al-shabaab,waxaana dagaal dhexmaray labada dhinac uu socday ku dhawaad hal saac. Daryanka hub culus oo ay is dhaafsanayeen dhinacyada dagaalamay ayaa laga maqlayay deegaanka Arbacoow iyo ceelasha Biyaha oo hoos yimaada gobolka Shabeelada Hoose. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro qasaaro ka dhashay dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan,waloow aan la soo sheegin qasaaraha rasmiga ah ee dhinacyada soo kala gaaray. Ma jirto faahfaahin saraakiisha AMISOM ay ka bixiyeen dagaalka lagu soo qadaay fariisimo aya ku leeyihiin deegaanka Arbacoow ee gobolka Shabeelad Hoose. Dhinaca kale deegaanka Buula Mareer oo hoostaga degmada Kuntuwaareey ee gobolka ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab waxay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi. Dagaalkaasi oo ahaa mid xoogan ayaa la isku adeegsaday nuucyada kala duwan ee hubka,waloow uusan jirin war ka soo baxay saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo ku aadan weerarada ka dhacay gobolka Shabeelada Hoose. View the full article Share this post Link to post Share on other sites