Deeq A. Posted March 28, 2019 Howgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya ayaa soo magaalada Muqdisho ku soo gabgabeeyay kulan looga hadlayay horumarinta sirdoonka,si looga hortago weerarada ka dhaca Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Africa. Kulanka uu soo qabqaabiyay howgalka AMISOM ayaa in badan looga hadlay sirdoonka iyo feejignaanta weeraro ka dhaca Soomaaliya,ayaa lagu yiri war safaxaafadeed ka soo baxay howgalkaasi. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan saraakiisha dhinaca sirdoonka ee AMISOM iyo saraakiil ka socotay ha’ayadda sirdoonka qaranka ee NISA iyo ciidanka xooga dalka. David Obonyo oo kamid ah saraakiishii kulankaasi ka qeyb galay ayaa xubnaha ka soo qeyb galay kulanka labada maalmood socday ugu baaqay in ay ku dedaalaan sidii loo hormarin amaanka,taasina la heli karo marka marka uu jiro sirdoon hufan. Mr Obonyo ayaa tilmaamay in ha’yadda sirdoonka qaranka ee NISA iyo dowladda Soomaaliya ay ka guul gaari doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab,hadii la xoojiyo helitaanka sirdoon dhisan. Shirkan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ahaa midkii 5-aad ee nuuciisa ah uu soo qaban qaabiyo howgalka AMISOM,si looga hadlo doorka xasiloonida dalka uu ka qaadan karo sirdoonka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites