Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Oo Balaarineysa Qorshaha Dhab U Heshiisiinta Qaran

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Kadib ansixintii golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee qorshaha dhab u heshiisiinta ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa kulan ka dhacay Muqdisho waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhalinyarada.

Dadkii ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in xiligan ay muhiim tahay dib u heshiisiin la dhex dhigo umadda Soomaaliyeed oo ku dhawaad 30 sano ay ragaadiyeen colaado sokeeye,si la isku cafiyo.

Mudo ku dhaw sanad iyo bar wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waday qorshaha dhab u heshiisiinta qaran,waxayna ka sameysay qeybaha kala duwan ee bulshada dhexdeeda.

Dhawaan ayey aheyd markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka uu Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir weynaha qaran ee dhab u heshiisiinta oo sadex maalmood ka socday magaalada caasimadda ee Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this