Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xaaf oo Soomaaliya DF hor-dhigay laba shardi oo lama filaan ku noqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay miro-dhali waayeen wada-hadallo uu u tagay Dhuusomareeb

Wasiir Sabriye ayaa lasoo kulmay Madaxweyne Axmed Ducaale Geele Xaaf, iyo Madaxa Xukumada Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wasiirka ayaa Madaxdii uu la kulmay u gudbiyey fariin uu kawaday Madaxda sare ee Dowladda Dhexe, fariintaas oo ahayd in Galmudug ay doorasho gasho bisha July 2019, ilo ku dhow Madaxtooyada Dhuusamareeb ayaa noo xaqiijiyey in ay Madaxweyne Xaaf iyo Sheekh Shaakir kabiyo-diideen soo jeedintii Wasiirka.

Maamulka Xaaf uu rabo in ay dhacdo sanadka 2020-ka, ayaga oo ku adkeysanaya in xilligooda billowday markii ay heshiiyeen Ahlu-Sunna iyo Galmudug, halka dowladda ay afarta sano ee Xaaf ka xisaabineyso markii uu talada kala wareegay Cabdikariin Guuleed.

Xaafd ayaa la sheegay inuusan waxba ka qabin doorasho dhacda, balse ay jirto cabsi ii qabo. Dadka sida dhow ula socda arrintaan ayaa aaminsan in labada garab ay kala shiksan yihiin – Dowladda waxaa la sheegay in ay rabto ay ka takhlusto Xaaf iyo Sheekh Shaakir oo ka biyo diidan arrinkaasi.

Sida aan xogta ku helnay Xaaf, ayaa hordhigay wasiir Maxamed Cabdi Sabriye laba shuruudo ay ka mid tahay 1 – In dowladda federaalka ah ay balanqaado in aysan faragelin doonin cod-bixinta, islamarkaana aysan wax lug ah ku yeelan doonin qabashadeeda.

Shuruudda labaad ee Xaaf ayaa ah 2 – In xukuumada aysan u soo dirsan doorashada musharax ay dooneyso in uu kusoo baxo, islamarkaana dadka Galmudug ay u dayso aayahooda inay ayaga go’aansadaa.

Wasiir Sabriye oo la sheegay in uusan marka hore wadan qorshe oo ay ku raacsan yihiin madaxda dowladda dhexe, islamarkaana layaab ay ku noqdeen shuruudaha Xaaf, ayaa dib ugu soo laabtay caasimada dalka si uu ula wadaago hogaanka Madaxtooyadda.

Villa Somalia ayaa lagu eedeeyay in ay horey u kala qaybisay Galmudug oo haatan ku kala shaqeeya Dhuusamareeb iyo Cadaado oo ay joogaan madaxwayne ku xigeenkii iyo afhayeenka baarlamaanka, daacadna u ah dowlada dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this