Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay Al Shabaab oo weerar ku qaaday saldhiga AMISOM ee Buulomareer

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo degmada Buulomareer ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar xoogan ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaankaasi.

Dagaal xoogan ayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM dhinac ah iyo Al Shabaab ku dhexmaray deegaanka, waxaana weerarka qaaday ciidamo ka tirsan Al Shabaab, sida dad goobjoogayaal ah ay sheegeen.

Dadka deegaanka ayaa saxaafadda u sheegay in la maqlayay rasaas xoogan iyo qoryaha culus oo labada dhinac ay isweydaarsanayeen, iyadoo cabsi ay soo foodsaartay shacabka degmada ku sugan.

Khasaaraha dagaalka ayaanan wali la ogaan karin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku dagaalamay Buulomareer, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhaawacyo iyo dhimasho ay jiraan.

Wararka saakay la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan goobihii lagu dagaalamay ee deegaanka Buulo Mareer.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe u muuqdo kuwo kordhiyay weerarada iyo qaraxyada ay ka fulinayaan gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose, waxaana ay dib u qabsadeen deegaano horey looga saaray.

Taliska AMISOM ayaa dhawaan shaaciyay inay badaleen qorshaha dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab, waxaana ay sheegeen inay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah Al Shabaab, iyadoo wali aysan qaadin wax talaabo ah.

Sanadka 2021 waxaa qorshaha amaanka Soomaaliya qeyb ka ah in AMISOM ka baxdo dalka, oo ciidamada xooga dalka la wareegaan amaanka guud ahaan ee Soomaaliya, balse taasi su’aalo badan ayaa ka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this