Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo qorsheyneysa in ay Somaliland ay si toos ah u siiso deeqaha iyo qorshihii DF Soomaaliya oo fashilmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobey ayaa qorsheyneysa in deeqaha loogu talo-galay Somaliland toos u siiso Hargeysa, iyadoo la beddelayo dhaqankii hore ee ahaa in deeqaha Somaliland la marsiiyo waxa loo yaqaanay “Qoondada Gaarka” ama “Special Arrangement” ee lagu go’aamiyey shirkii London ee 2013kii, kaasoo qeyb ka ahaa taageerada caalamka ee Soomaaliya.

“Special Arrangement” wuxuu dhigayey in deeqaha horumarinta guud ee loogu talo-galay Soomaalida, qeybta ay Somaliland ku leedahay lagu siiyo hab ka geddisan maamullada kale ee dalka, oo iyagu loo aqoonsan yahay inay hoos tagaan Federaalka balse Somaliland aysan ka mid ahayn.

9-kii June 2018, ayaa Wasiirka Qorsheynta Federaalka Jamaal Xasan wuxuu warqad uu u qoray wadamada deeqaha bixiya ku sheegay in Dowladda Federaalka aysan cusbooneysiin doonin heshiiska Qoondada Gaarka ee Somaliland oo dhacay 2016, taasi beddelkeedana Dowladda Federaalka ay masuul ka tahay qeybinta deeqaha caalamiga ee Soomaaliya loogu talo-galay, isla markaana ay u aragto heshiiska Qoondada Gaarka mid naasnuujinaya maamul gaar ah (Somaliland).

Arrintan waxaa dood ka keenay Somaliland, oo ku dooday inaaney ku kalsooneyn Soomaaliya. Waxaana muddooyinkanba socday dood arrimahaasi ku saabsan, sida inay saameyn karto dedaallada naf badbaadinta sida gargaarka musiibooyinka (abaaraha) ee looga baahi qabo Somaliland.

Wararka hadda soo baxaya ayaa sheegaya in USD150 milyan oo loo qoondeeyay Somaliland lagu hagaajin doono sanduuq loo bixiyay ‘Sanduuqa Taageerada Somaliland’ oo Qaramada Midoobey soo jeedisay in la abuuro.

Waxaa sidoo kale jira in Somaliland iyo Qaramada Midoobey wada diyaariyeen dukuminti la yiraahdo “Qoondada Gaarka Qaramada Midoobey ee Somaliland” oo lagu beddelayo heshiiskii 2013 ee ay Dowladda Soomaaliya hadda diidan tahay.

Dabcan waxaa jira warar tilmaamaya in Dowladda Ingiriiska ay aad ugu ol’oleysay arrintan iyadoo laga eegay dhanka bani’aadanimmada.

REFERENCES: – Sawirka 1 & 2, waa warqaddii Wasiir Jamaal.
– LINKIGA waxaa ku jira qorshihii Qoondada Gaarka ee ay Somaliland gudbisatay 2013. Somaliland Special Arrangement
W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

Somaliland_Special_Arrangement_Final 55927934_1604708619664457_78371202706146 55549639_1604708616331124_70454569864894

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this