Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo billowday qorshe ka kooban shan xeelad oo ay kula dagaalayso DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa bilowday olole ay kula dagaalameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya kadib murankii siyaasadeed ee soo kala dhex galay Labada Dowladood oo ay Maxkamadda Adduunka ka taal dacwad ku saabsan dhul ay Dowladda Kenya dooneyso inay ka boobto Soomaaliya.

Dowladda Kenya oo dhawaan looga adkaaday Arrimaha Diblomaasiyadda kadib markii ay soo ceyrisay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyey Nairobi ayna u yeertay midkii Muqdisho ka joogay.

Kadib fashilkii arrintaas kasoo gaaray Dowladda Kenya ayaa bilowday 5 xeelad oo ay kula dagaalameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1)  Kasoo bixiddii ciidamada Kenya ee qeybo ka mid ah gobolka Gedo

Dhammaan Ciidamadii Dowladda Kenya kaga sugnaa Gobolka Gedo ee Soomaaliya ayaa isaga baxay marka laga reebo ciidamo yar oo ku sugan Ceel Waaq.

Ujeedka ay Ciidamada Kenya uga baxayaan Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dagaalka ay Dowladda Kenya ku wado Soomaaliya, waxayna dooneysaa inay culeys ku saarto dhanka Amniga dalka, maadaama ay Al-Shabaab halis ugu jiraan inay la wareegaan Gobolka Gedo.

Dowladda Kenya ayaa dooneyso inay iska hor keento Shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si dowladda loogu eedeeyo inay dayacday Amniga dalka isla markasana ay gacanta ka bixisay deegaano horey Al-Shabaab looga saaray.

2) Xiritaanka Xeryaha Dhabaab

Dowladda Kenya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay albaabada isugu dhufaneyso Xeryaha Dhadhaab oo ay ku nool yihiin illaa 230,000 Soomaali qoxooti ah oo ku dhowaad 30 sanno halkaa ku noolaa.

Inkastoo go’aanka Dowladda Kenya ee xiritaanka Xeryahaas uusan aheyn mid si fudud loo sameyn karo maadaama ay lacago badan uga qaadato Hey’adaha Qaramada Midoobay isla markaasna ay arrintaas durba ka hor imaadeen haddana waa mid kamid ah qorshaha ay Dowladda Kenya ku dooneyso inay culeys ku saarto Dowladda Soomaaliya oo ku adkeysatay inaysan ka tanaasuli doonin dacwadda ay ka gudbisay muranka soohdinta Badda ee labada Dal.

3) Duulimaadyada labada Dal

Sida ay sheegeyso xogta hoose, Dowladda Kenya ayaa qorsheeneyso inay mar kale adkeyso Duulimaadyada Muqdisho iyo Nairobi.

Duulimaadyada labada Magaalo oo hadda ah mid toos ah ayey dowladda Kenya dooneysaa inay mar kale soo celiso dhibaatada dadka Soomaaliyeed loogu geysan jiray Wajeer.

Sidoo kale Kenya ayaa dooneyso inay adkeyso Dal-ku-galka (visa) oo 2017 loo khafiifiyay Baasaboorka Soomaaliya, kaddib heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru (siiba safarrada saraakiisha Dowladda).

4) Mashaariicda

Dowladda Kenya ayaa wado qorsho ay ku joojineyso Mashaariicda sida tooska ah ugu soo gudubto Magaalada Muqdisho si culeyska loogu badiyo Dowladda Soomaaliya isla markaasna ay Hey’adaha ugu shaqeeyaan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waqtiyadii dambe xoogga saartay in Hey’adaha mashaariicda ka fuliyo Soomaaliya laga soo raro Nairobi si lacagaha Nairobi loogu soo wareejin lahaa Muqdisho.

Dowladda Kenya ayaa hey’adaha fadhigooda yahay Nairobi ku amartay in Mashaariicda loosoo wareejiyo Nairobi halkii si toos ah Muqdisho loogu dirayey.

5) Qorshaha Keya ee Somaliland

Dowladda Kenya ayaa bilowday dhaq-dhaqaaqyo ay dooneyso inay sare ugu qaado xiriirka Magaalooyinka Nairobi ee Hargeysa, taasoo qeyb ka ah Culeyska la saarayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama ay Soomaaliya iyo Somaliland isku heysto gooni isku taagga.

Dowladda Kenya ayaa bilowday olole ay Somaliland ula macaamileyso sida Dowladda ka madax banaan Soomaaliya, inkastoo aysan jirin hal dowlad oo Maamulkaas u aqoonsaday Dowladnimo haddana waa qeyb kamid ah dagaalka siyaasadeed ee Nairobi kula jirto Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this