Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo sheegay in weerar lagu dhaawacay sarkaal ka tirsan Jubbaland ay ka fuliyeen Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa shaaciyay in sarkaal ka tirsan ciidamada maamulka Jubbaland ay ku weerareen xaafada VIA Afmadow ee magaalada Kismaayo.

Al Shabaab ayaa baahiyay in weerar bambaano ay ku qaadeen guri uu degen yahay sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland oo magaciisa lagu sheegay Col.Maxamed Buulle, kaasi oo ku sugnaa xaafadda VIA Afmadow.

Weerarka ayaa sababay dhaawac la sheegay in sarkaalkaasi uu gaaray, waxaana Al Shabaab ay sheegeen in dhaawaca sarkaalka loola cararay isbitaalka magaalada Kismaayo ee gobolka jUbbada Hoose.

Maamulka Jubbaland kama aysan hadlin weerarka qaraxyada bambaano ee ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, balse ciidamada amaanka ayaa baaritaano ka wada xaafadda weerarka uu ka dhacay.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay muddooyinkii u dambeeyay, waxaana yaraa weerarada iyo qaraxyada Al Shabaab ka fulin jireen magaalada Kismaayo.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ay sheegeen inuu ka dhacay magaalada Kismaayo, mana jiro war ilaa iyo hadda kasoo baxay dhanka maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, waxaana ay sheegeen inay ku dileen askar ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this