Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan labo ruux ku dilay deegaanka laga soo doortay ee dhulka ismaamulka Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya deegaanka Jarati ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegaya in xildhibaan Soomaali ah uu dad ku dilay deegaankaasi, sida masuuliyiinta maamulka deegaanka ay sheegeen.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in labada ruux ee uu dilay inay isku heysteen dhul beereed, sidaasina waxaa xaqiijiyay guddoomiyaha deegaanka Jarati oo saxaafadda la hadlay.

Xildhibaanka ayaa la rumeysan in bastoolad iyo qori uu watay inuu u adeegsaday dilka ka dhacay deegaanka.

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Jarati ayaa xaqiijiyay in kiiska dacwadda dhul beereedka ay taalay maxkamadda degmada, iyadoo aan la ogeyn waxyaabaha xildhibaanka ku kalifay dilka uu labada ruux u geystay.

Xildhibaanka oo magaciisa lagu sheegay Bashiir Diiriye Cameey iyo labo ruux oo la socotay oo midkood uu ahaa darawal Mooto Bajaaj ayaa la dhigay xasbiga deegaanka, waxaana ku socda baaritaanka dilka ka dhacay degmada.

Shaafi Diiriye Shaafi oo ah guddoomiyaha degmada Jarati ayaa sheegay in markii meesha uu ka baxay maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar in dadka ay soo rogaal celiyeen dacwadaha dhanka lahaanshaha dhulka la xiriira.

“Xukuumaddii hore ayaa xildhibaannada siisay dhul beereed iyo lacago, dhulkaas qayb ka mid ahna xukuumaddu waxay ka bixisay gacanta dad shacab ah,” ayuu yiri gudoomiye Shaafi.

Dhibaatada lahaanshaha dhulka ayaa ku badaneysa deegaanka Soomaalida, iyadoo markii hore la sheegay in dadkii lahaa awood looga qaatay dhulkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this