Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha amaanka oo war kasoo saaray dhaqaalaha amaanka iyo doorashada Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa war kasoo saaray xaaladaha dhanka amaanka, maaliyadda, doorashada 2021 iyo wada shaqeynta maamul goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya.

Golaha amaanka ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaaladaha guud ee dalka Soomaaliya gelinkii dambe ee shalay, waxaana ay kasoo saaraay warbixin la xiriirta xaalaha dhanka amaanka iyo siyaasadda Soomaaliya.

Golaha amaanka ayaa sheegay inay ka dalbanayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada inay dadajiyaan sharciga doorashooyinka dhacaya sanadka 2021, kaasi oo muhiim u ah qabsoomida doorasho ka dhacdo dalka.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in ka hor dhamaadka sanadka 2019 ama bartamaha sanadkaan ay soo gudbiyaan Sharciga Doorashooyinka ee sanadka 2021.

Dhinaca kale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku raacay muddo kordhin sanad ah oo loo sameeyay xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay, waxaana la gaarsiiyay ilaa 31 Bisha Maarso ee sanadka 2020.

Sidoo kale golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka dalbaday dalalka caalamka inay gacan weyn ka geystaan wax walbaa oo AMISOM u suuragalin kara ka adkaashnaha Al Shabaab.

Golaha ayaa cambaareeyay weeraradii iyo qaraxyadii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana ay sheegeen inay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this