Sign in to follow this  
Deeq A.

Muhaajiriin Afduubatay Markab Ka Soo Badbaadiyey Xeebaha Dalka Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Rome)-Dowladaha Talyaaniga iyo Malta ayaa sheegay inay Muhaajiriin shalay afduubteen Markab Xamuul oo laga leeyhay Turkiga, kaasi oo ku sugnaa Badda Liibiya, waxayna Shaqaalihii Markabka ku khasbeen inay jihada Markabka u beddelaan dhanka Waqooyiga ee Qaaradda Europe.

MUHAAJIRIIN-1-750x430.jpg

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga, Matiyo Salfiini waxa uu sheegay in Markabkaasi oo nooca Booyadlaha ah lagu magacaabo El Hiblu 1 ay shaqaalihiisa mar sii horreysay Muhaajiriintaasi ka soo badbaadiyeen Badda Meditereniyaanka.

Waxa uu intaasi ku daray inay 120 Muhaajiriin ah qafaasheen Markabkaasi, waana markii ugu horreysay oo fal Budhcad-baddeed ah ka dhaco Badda fog oo ay Muhaajiriin afduubtaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga waxa uu tilmaamay in xaalladda Cimiladda tahay mid aan wanaagsanayn, isla markaana aan la sheegi karin haddii uu Mrakabkaasi ku soo wajahan yahay Malta ama Jesiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.

Dhinaca kale Ciiddanka Badda ee Malta ayaa sheeegay inay heegan ku jiraan, isla markaana uu Markabka laga afduubtay weeli ku sugan yihiin Xudduud-baddeedka Libya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this