Deeq A. Posted March 27, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay agagaarka Suuq Boocle oo ku yaalla Degmada Dharkeynley ku dileen ganacsade Sheekh Cusmaan Xasan Sheekh. Dad goobjoog u ahaa dhacdadan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dilka Sheekh Cusmaan Xasan Sheekh. Raggii dilay ninkan ayaa meesha ka baxsaday, kadib markii dhowr xabadood ay la dhaceen marxuumka oo isla goobtaasi ku geeriyooday. Lama oga sababta loo dilay Sheekh Cusmaan, balse muddooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan, ee ay gaysanayan xubnaha ka kala tirsan kooxda yar ee Daacish iyo Nabad-diidka Al Shabaab. Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dharkeynley oo tagay goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi ka sameeyay baaritaan, lamana soo sheegin cid ay falkaasi u soo qabteen. Meydka marxuumka la dilay ayaa la geeyay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D, halkaas oo sawirran looga qaaday, si baaritaano loogu sameeyay kiiska dilkiisa. Inkastoo ay shaqeynayaan Hay’adaha ammaanka ayaa waxaa hadana ka dhacaya Muqdisho Dilal iyo Weeraro qorsheysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites