Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo sheegtay in Saadaq John uu caawa si dirqi ah uga baxsaday….

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qaraxii caawa maqribkii ka dhacay inta u dhaxeysa laba dhagax iyo isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa, laba kalena way ku dhaawacantay, hase yeeshee warbaahinta Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaadday ujeedada qaraxaas, oo sida ay sheegtay ahaa in lagu dilo taliyaha booliska gobolka Banaadir, balse uu dirqi kaga baxsaday.

Qoraal ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab ayey kooxdan ku tiri “Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Taliyaha Booliska gobolka Banaadir, Saadaq John.”

Qoraalka warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Saadaq John “uu si dirqi ah uga badbaaday qaraxa balse uu ku dhintay mid kamida ciidamadii ilaalada u ahaa.”

Illaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada kooxda Al-Shabaab ee ah in baabuurta la beegsaday uu la socday Saadaq John. Sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saadaq John.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this