Deeq A. Posted March 27, 2019 Muqdisho (SMN) – Qarax culus ayaa la sheegay in uu fiidnimada caawa ka dhacay degmada Warta Nabada ee magaalada Muqdisho. Sidda ay sheegeen goobjoogayaal, qaraxa oo ka dhashay Miino ayaa laga soo wariyay nawaaxiga isgoyska Laba Dhagax. Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu geystay qaraxaan, inkasta oo aanan la hubin tirada saxda ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka ku waxyeeloobay dhacdadaan ay u badan yihiin shacab halkaasi ku ganac-sanayey. Wali ma cadda bartilmaameedka qaraxaan kaasi oo illaa iyo haatan aysan jirin koox dusha saaratay mas’uuliyadiisa. Ciidamada amaanka oo soo gaarey goobta ay wax ka dhaceen ayaa la sheegay in hakad geliyay isu socodka dadka iyo gaadiidka. Wixii soo kordha kula soco wararkeena dambe View the full article Share this post Link to post Share on other sites