Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Morocco oo heshiisyo kala saxiixday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa magaaladda caasimada u ah Morocco ee Rabat kula kulmay dhigiisa dalkaasi Nasser Bourita.

Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado qaatay ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, danaha ay wadaagan iyo iskaashiga dhaqaalaha.

Cawad iyo Bourita oo kala saxiixday sadex heshiis oo afgarad ah ayaa shaaciyay in ay ka shaqeynayaan sidii loo adkeyn lahaa hirgalinta heshiisyada ay ay qalinka ku duugeen.

Wasiirka xiriirka caalamka ee Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Morocco ayaa shalay ka qayb galay shir ay isugu yimaadeen wasiiro ka kala socday dalalka xubnaha ka ah Midowga Africa.

Ka hor booqashada wasiir Cawad ee dalka Morocco, waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uu uga qeyb galay shir ay yeesheen dalalka ku bahoobay ururka iskaashiga islaamka ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay oo looga hadlay falalka ku saabsan islaam naceybka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this